Heesta Diihaal - Lyrics
Diiftiyo xanuunkiyo
Dareenada jaceylkee
Damac aan adiga kuu qabo
Dadbaa igula yaaboo
Deeyraan ka ahee
Dayarkii iga furin
Dabaal go'ay jirkaygoo
Dareemaha naftaydiyo
Dabcigeega doorshayoo
Dadkaan kaaga go'ayee
Adiguna daweeyoo
Dihaalka caashaqa
Daraftaada ila qabo
Dahal iyo dalkayniyo
Duunyada dhaleeso
Deegaanka oo barwaaqa ah
Dadkoo nadarka joogaan
Ayaan adi daraada
Dibadaha wareegaa
Dabaal go'ay jirkaygoo
Dareemaha naftaydiyo
Dabcigeega doorshayoo
Dadkaan kaaga go'ayee
Adiguna daweeyoo
Dihaalka caashaqa
Daraftaada ila qabo
Lyrics by Moha wali