faa,isaay xabiibi
xaaskii aan jeclaayeey
xumo kuuma quudhee
xalka maanta jira iyo
xiisadaha aduunyada
siday noo xujeeyeen
xaakimkaa ogaayee
xaasid yuuu na kala dilin
xubigayga laabtiyo
xidididayda jidhkuna
waxa ay xilaadshaan
xiisahaaga weeyaan

faa,isaay xabiibi
xikmadaada hadalkiyo
edatiyo xishoodkaan
kaaga xushay haweenke
xusuusteenii hore iyo
xamartaan ku kulaniyo
ku xaydaaban maankoo
xusuusteeni weeyee
xurmo iigu nooloow
xubigayga laabtiyo
xidididayda jidhkuna
waxa ay xilaadshaan
xiisahaaga weeyaan

Exit mobile version