Sida muuqa
Ubax muujay
Midab dhiina
Ayaad maanka
Mawjad caashaq
Ku macsuuntay
Love mug waynle
Mirta laabta
Oo muquunshay
Dartaa maaxay
Dhiig mareenka
I maquunay
Maqnaantaada
Miridh ruuxdan
Maarmi waydaa
Markaad weedho
Murtiyaysan
Oo macaana
Hoo mugaaba
Malab caashaq
Tidhi muudso
Murug oo dhan
Maqalkaagu
Saw ma maydho
Sida maalin
Madal ciida
Loo maqsuudo
Miyir deeqaa
Markaan dheehdo
Muraaqooday
I maamuusa
Farxad miidhan
I maansheeya
Mara waaxid
Mataantaydu
Waa mageeno
Maqnaantaada
Miridh ruuxdan
Maarmi waydaa
Markaad weedho
Murtiyaysan
Oo macaana
Hoo mugaaba
Malab caashaq
Tidhi muudso
Murug oo dhan
Maqalkaagu
Saw ma maydho