Heesta Galkacyo - Lyrics
gabadhaan jeclaayeey
doonisteeda waayadan
guclo orodka ugu jirayee
ayaan galabta helayoo
gayigaan jeclaa iyo
galkacyeey ku nooshee
gob weeyaan xishoodoo
garashiyo wanaaglo
gabigood hablaha kacay
ugu garaad horaysoo
GUULAHAYNA igu simay
gacalkiyo xigaalkuna
nagu garab qabteenoo
galadbaanu joognaa
haduu gabi ahaan dumar
daafaha aduunyada
gees kastaba ku noolyihin
ani gaaridaan rabay
taan goobi jiray
gacantaan ku dhigay