Waa gabadh ugaas dhalay
Hooyadeed xil gudashada
Hidiyo diin ka gunudoo
Dhaqan guursi loo dhaqo
Dhaqan guursi loo dhaqo

Waa geesi wiiloo
Gayaankii tilmaansadey
Waa gobtii kax shiiqaal
Iyo gacalkii rasuu
Oo singoo kismaayiyo
Jilib iyo Muqdisho kala galay

Gabadhuu waa qurayshtiiyee
Duunyo ubal ku dhalatoo
Lagu gardaadshay jigjigoo
Waan geenyadii qabri dayax

Guuloow Allahayoow aamiin
Ubad baariyoo garan aamiin
Kuu gaara adigiyo aamiin
Guud ahaan mid umadeed aamiin
Gurigooda ugu deeq aamiin
Gurigooda ugu deeq aamiin

Galbis caawa loo kacay
Gacal iyo xigaalaba
Durbaanada idiin tumay
Ducana Waad ka gurateen
Ducana Waad ka gurateen

Badxi waa wax garadoo
Nasiibkaa u gooniyaa
Badxa wuu gudoomoo
Rabibaa u gaystee
Oo wuu gudoomoo
Rabibaa u gaystee

Waa gashaanti edeb diin
Hufnaan guule ugu daray
Galadaa waxaa helay
Farxi oo ku guursaday

Guuloow Allahayoow aamiin
Ubad baariyoo garan aamiin
Kuu gaara adigiyo aamiin
Guud ahaan mid umadeed aamiin
Gurigooda ugu deeq aamiin
Gurigooda ugu deeq aamiin

Exit mobile version