1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
hadaan hooyo daadihin
dalka geesi dhawriyo
mufti diinta sheegiyo
dhakhtar daawo keeniyo
dadku heer ma gaadhen dunidan
hadaan dhabar dugsoono
qayd lagu dabooloo
dusha igu xambaartee
adoo daalan hooyooy
culays kuugu sii daray
dahabiy xariiriyo
hadaan duunyo kuu raro
dayntiyo xaqaagii
dar allee ma gudi karo
inaan darara maansiyo
inaan deexdo hadalkiyo
dad inaan ahaadaba
adaa igu soo dabaalee
ku dakee janada oo
rabi labada daarood
darajiyo wanaagiyo
dambi dhaaf hakuu qoro
intaad daymo farax lee
qalbigayga deeqdoo
amaan iga da, wayn ani
igu daadahaysee
dalmar iyo itidhi deeq
anoo duudka kugu sida
hadaan hooyo sadex goor
ku dawaafsho xaramkii
dar alle ma goyn karo
inaan darara maansiyo
oo aan deexdo hadalkiyo
dad inaan ahaadaba
adaa igu soo dabaale
ku dakee janada oo
rabi labada daarood
darajiyo wanaagiyo
dambi dhaaf hakuu qoro