Heesta Istareex - Lyrics
Hodan:
Waxaan la ilmeynayaa
Jirkuu idamqanayaa
Dalmar aragtidaadee
Adigaan ku raadshaa
Dalmar:
Indhaheygu yaalbaa
Aragaaga jeceloo
Ayaan waliba hodaneey
Adigaan ku raadshaa
Hodan:
Dalmarow ogsonoow
Abidkeey intaan jiroo
Ku ilaawi maayeee
Istareex ku nooloow
Dalmar:
Allaheena weynbaa
Isuken calmadayee
Udkoon caafimaad iyo
Istareex ku nooloow
Page 2aad
Dalmar:
Waxaan eebbe baryayaa
Anna ku istareexayaa
Aqal agab dhigiisee
Aamiinta ila qabo
Hodan
Waxaan alalaasi lahaa
Asaageey ugu faani lahaa
Innagoo is aroosnee
Ila garo amuurahaa
Dalmar:
Unugyadaan jirkeygiyo
Wuxuu uurku tabayaa
Hadan adiga weeyee
Waligaa ogsoonoow
Hodan:
Waxeey ii ahaan laheyd
Arrin ii hirgali lahayd
Anigoo ayaankeey
Oori kuu ahaadee.
Waxaa qoray: Bashiir Salaad