kaligeen ha moodine
inta koonka joogtee
kalgacayl wadaagtee

kala raray waqtiguye
kala dheer sideena
kulankoodu adagyay
amin aan is idhi karin
kaar wada qabaa badan

kasha xiistay samirbaan
ku kabaa dareenkoo
kaydsaan idhaahdaa
kaalin qaaday maantee

kaskiyo maanka wada jira
kala qaba kalsoonida
ma karaan waxyeelada

kuu huray naftaydoo
adaan kali ku jeclee
kalkani waa kolkeenii

kaahiyo iftiinba
inoo baxay kal deeqaay

Exit mobile version