VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Marwo - Lyrics

Adaa deeqaay ugu wacan Dumarka hablaha ugu wacan Dookhayguna aduu ku raac 2× Dabciga caqligiyo kartida Dadnimadaadaan jecloo Naftaa kugu diidasee 2× Dunida waxa joogo idil Hadii dahab la iiga dhigo Kugumaan doorsani kareen 2× Dardaarankaa lama huree Sidaan kuu doonayee Niyadu kuu damacsantahay Marwooy marwooy Marwooy caashaqaaguyee 2× Sidii dirir hoora iyo Daruur rooboo da,daa Qalbigu kugu doogsadee 2× Dibnaha qosolkiyo indhaha Markii aan ku daawadaa Dareen igu saa'idaa 2× Hablaha inta joogta dibad Ama se daafaha ku nool Adaa duurka u sitee 2× Dardaarankaa lama huree Sidaan kuu doonayee Niyadu kuu damacsantahay Marwooy marwooy Marwooy caashaqaaguyee 2×
Queue is empty
-- / --