Sooow qaali dumaroo
Qaaaayaheeda yaabakaleh
Aaaadmigu qaddariyan
Indhahaygu may qabaneey

Qalad ku hadli maayee
Quruxduu ilaahay
Uu ku qubay dushaadaa
Maankayga qaaddee

Dhankastoon u qaadaba
Qiireey i galisoo
Qaadirkeen haddaayee
Qalbi dooja weeyaan

Soow geesi qawloo
Xil qaadi karayoo
Qabyaa tiray naftaydoo
Qayrkeey kamaan helinee

Waa qayb nasiibkuye
Qaayihiisa nuurkaleh
Iyo qaabka nolashaa
Qalbigaa ku diirsada

dhankastoon uqaadaba
Qiiruu i galiyoo
Qaadirkeey haddaayee
Laab qabooja weeyaan

Sooow qureesh haweenoo
Qormoo garasha dheeriyoo
Qaayiyo waanagba leh
Qooraansi kuma arageeeeeeeey
———————-
Qancisay naftaydoo
Nolol inaan la qaybsadoooo
Qorshahayga kuma darin
Laabtayda kuma qorinee

Dhankastoon u qaadaba
Qiireey i galisoo
Qaadirkeen haddayee
Qalbi dooja weeyaan

Soow quman aan doortoo
Raggaa qiima dheeroo
Iimaankiisu qaniyahay
Ku qaboobay maan helinee

Qaab dhismeedka araggiyo
Qotanka iyo muuqaaa
Qunyar markaan u eegaba
Farxad baan qushuucaa

Dhankastoon u qaadaba
Qiiruu i galiyoo
Qaadirkeey haddaayee
Laab qabooja weeyaan

Exit mobile version