VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Raaqiya - Lyrics

Waa dhiiga mudug Qurux loo dhameeyee Waa ubax dhashoo Gadgaduudka baxay Waa dhalaal xardheer ka muuqatoo Waa gobtii hadaaqiyo Dhalaalsanaa ala dhalaalsanaa 2x Waa dhabeel faceed ka masayra oo Waa dhidib nolosha lagu tiirsadoo Waa dhanaan macaan Aan qaraar lahayn Dhan kastaba haween loogu deeqayoo 2x Raaqiyo Amaantaba wey dhaaftoo Dhamideed Alaa xuuralcayn ka dhigay Raaqiyo Amaantaba wey dhaaftoo Dhamideed Alaa xuuralcayn ka dhigay Maalintaan bartaa nolol dhaba galee Nolol dhaba galee nolol dhaba helee 2x Waa nasab jirtoo ina dhiirisee Waa gacal dhaboo nafta loo huroo Qalbi dhayo waa naxiis kuu daacadee Waa dhamays raaqiyo xabiibsanaa Ala xabiibsanaa 2x Waa naruuro dheef la tabaandhatoo Dhuuso mareeb Xatee qalbiyada wacnaa Waa naftayda ruux aan ku dhaarta oo Waa dhaayahaan wax ku daawadee 2x Raaqiyo Amaantaba wey dhaaftoo Dhamideed Alaa xuuralcayn ka dhigay Raaqiyo Amaantaba wey dhaaftoo Dhamideed Alaa xuuralcayn ka dhigay Maalintaan bartaa nolol dhaba galee Nolol dhaba galoon nolol dhaba helee 2x
Queue is empty
-- / --