VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta waa culimadii shiikhaal cadey - Lyrics

Cilmi iyo aqoon Dad haduu cisiyo Sharaf caan ku yahay La isma caasiyee Waa culimadii Waa culimadii shiikhaal cadey 2x Dadka oo cawaanoo Calaalo qabin diintiyo cilmiga Cashar yaa u dhigay Oo yidhi cawooy cawadani astura Cawradani astura 2x Caawo kalena waan ciidaynaa Hablaha cudoon ee calanka luli Waa culimadii shiikhaal cadey Caawo kalena waan ciidaynaa Wiilasha cadcadi ee calanka luli Waa culimadii shiikhaal cadey 2x Dadka oo is cuna Oo colaad darteed La is jaro cagaha Waa culimadii Calan sudhi jirtee Calan sudhi jirtee Curin jiray heshiis 2x Ciidiyo waxay carraday degaan Caan kaga yihiin Alle caabudkoo dhar cadbay xidhtaan Oo caraf udgoon Oo caraf udgoon 2x Caawo kalena waan ciidaynaa Hablaha cudoon ee calanka luli Waa culimadii shiikhaal cadey Caawo kalena waan ciidaynaa Wiilasha cadcadi ee calanka luli Waa culimadii shiikhaal cadey 4x
Queue is empty
-- / --