Cilmi iyo aqoon
Dad haduu cisiyo
Sharaf caan ku yahay
La isma caasiyee
Waa culimadii
Waa culimadii shiikhaal cadey
2x

Dadka oo cawaanoo
Calaalo qabin diintiyo cilmiga
Cashar yaa u dhigay
Oo yidhi cawooy cawadani astura
Cawradani astura
2x

Caawo kalena waan ciidaynaa
Hablaha cudoon ee calanka luli
Waa culimadii shiikhaal cadey
Caawo kalena waan ciidaynaa
Wiilasha cadcadi ee calanka luli
Waa culimadii shiikhaal cadey
2x

Dadka oo is cuna
Oo colaad darteed
La is jaro cagaha
Waa culimadii
Calan sudhi jirtee
Calan sudhi jirtee
Curin jiray heshiis
2x

Ciidiyo waxay carraday degaan
Caan kaga yihiin
Alle caabudkoo dhar cadbay xidhtaan
Oo caraf udgoon Oo caraf udgoon
2x

Caawo kalena waan ciidaynaa
Hablaha cudoon ee calanka luli
Waa culimadii shiikhaal cadey
Caawo kalena waan ciidaynaa
Wiilasha cadcadi ee calanka luli
Waa culimadii shiikhaal cadey
4x

Exit mobile version