waxaad shalay igu dhaliishay
adigu maku dhiiraan maanta
dhibtaan kuuu quudhi waayay
dhankaan jiro ha u walwaalin
anoo dhayin dhaawacaaga
inaan dhinto ha u hiloobin
hadaan dhayay boogahaaga
kuwayga ha dhiijin maanta
dhab weeyee caashaqayguye
intaad dhalanteed u moodo
xaqiiqadu yay ku dhaafin

dhaayihii aragaaga doonay
ilmada ka dhibcaysa baaji
adoo ku dhexnool naftayda
dhimbiilo haku shidin gubaysa
dhunkaal ha uqooshin ruuxa
dhankaaga usoo hiloobay
laxdii dhukan moog abaare
dhedada roob ha u malaynin
dhab weeyee caashaqayguye
intaad dhalanteed u moodo
xaqiiqadu yay ku dhaafin

Exit mobile version