Heesta Dhulka hooyo - Lyrics
dhulka hoyaday waan jeclahay
dhaqashadiisiye dhuuxiyo naftaydiyo qalbiga waa ku dheer yahaye sidii ubad aan dhaloon kalaan dhab u jeclaystaaye barwaaqada dhex taaliyo nimcada waan
ku dhololaaye
dhaman dunida lagu nool yahuu qiimo dheer yahaye dhaxan barafa iyo laguma oga dhamac kuleel keede rabi baa isugu dheeli tiray cimilo dheefteede dhaayihii jaleecaa mar qura kama dhergaayaane
dhuuniga cuntada laga helaa shayna loo dhigine dhalxan subaga dhay iyo karuur dhayladiyo jiidhka dhirta xabagta laga soo guriyo miraha dhoomaanta nin dhadhamiyay kuma doorsan karo dhoorto dibadeede
dhexdiisaan ku noolaanayaa
iilka god laydhigaye dhalintaan waxan barahayaa
dhaqamadodiiye sharafteena wixii dhuminayaan dhaafa leeyahaye dhisa qaranka dheeliga kajira dhidibada utaaga
dhaqankiyo hidaha waan jeclahay uu abkeen dhigaye waxa laga dhex xulay diintayada ma ahan dhalanteede dhaxal kayga iyo waa sadaan iga dhamaanayne
dhaqamadayda suugaanta iyo
kaaba leeyahaye
dhaantada ciyaartiyo wiglada la isu dhiidhiibo dhex yaal taliyo dhexyaal taliya sheekh dhoor sanoo xaqa ku dheeraysa doob dhiiran dhool gabara dheef isaga hooya
boqorkiyo dhaclaha looxiriyo suuqa ii dhiga
dhex markiyo martida soryadiyo dhiibistiyo
deeqda dhaxdin xidida dhalashada xigtada dhiska aqalka dhomaha dad jiga oonka lagu dhaansho nin dhuuxaa kuma doorsan
karo dhoorto dibadeeede
dhexdiisaan ku noolaanayaa
iilka god laydhigiye dhalintaan waxan barahayaa
dhaqamadodiiye sharafteena wixii dhuminayaan dhaafa leeyahaye dhisa qaranka dheeliga kajira dhidibada utaaga