Layaan jacaylbaa
Anigoo ladnaan qaba
Laabtayda taabtoo
Oo yaan lillaahi moodee

Lurna iii horseedyoo
Lahwi igu abuuryoo
Leelada harraadkiyo
Luun igu ekeeyoo

La ii dhaansay reerkii
Larta ma igu laalay
Sida liigga doqoneed
Lalayaab naftaydii

Ani weey luggooyoo
Laab ila kacayoo
Looligii uu isaaraa
Iska loodin waayoo

Libin kama aan haynine
Loolan nama dhex oolinee
Caashaqa i laasimay
Sidaan kaga ladnaadaa

Meey leey dhaansay reer
Cirka meeygu laaloo
Sida liigga doqoneed
Lalayaab naftaydii

Exit mobile version