Waxaan dulli iyo xumaan
Dihaal ani ii qarsoon
Diirka igu dhacaa gubee

Dushayda usaarayaa
Diiftiyo daranyada ibaday
Caruur iga dabbaa

Anoo dalandoolayoo
Intaan dibka waaga kacay

Il doohan baan lahayn
Markaan degmadayda imid
Halkaan nafta doojin lahaa
Miyaan dibnahayga cunay

Middaan i daryeelinoo
Deegga iga dhuubatoo
Dadkaba aniga iigu neceb

Waxaan dultaaganahay
Weliba ugu dabacsanahay
Caruur iga darbaa

Haddaan diga rogan lahaa
Naftayda udaneyn lahaa

Aroos ka digsiin lahaa
Waxaa ii diidayoo
Intaa dib uciirayaa
Caruur iga darbaa

Debci guur waa xishood
Danbaa lagu wada dhaqmaa
Ismaan dhaaf yaa dalbaday

Hablana weey dooriyeen
Diintiyo reerkii dayace
Maxaa durbaan utumay

Dadweyne ragiyo dumar
Darajaad iyo maalba leh
Duunyaba kii aan lahayn
Doonbaan wada saarannoo
Halkaa qofbaa dull lumayaa e
Ayaan la isku darnaan

Exit mobile version