maxaa waayaha aduunku
jacayl wahan igu abuuray
muxuu wadnaha iyo beerka
dhamaan waaxyaha ku faafay
maxaan wadayaasha dhiiga
jeclaystay inaan wadaagno

maxaaa wariseey dartaa
colaad warmo la ii afaystoo
wad iyo halis la ila raadshay

hadaad wacadkii dhexdeena
wacadkii ila wadaagto
waaliyo ciil maan muteen

maxaan waaniyo tusaale
ka weecday anoo arkaaya
maxay wadar iila yaabtoo
wargaysyada la iigu qoray

maxaa dad inaan is wayno
jeclaa kala weecadkeena

maxaa dumar kale warkoodba
waqtigu isu kaaya diido
weedhooda naftaydu diiday

Exit mobile version