waa nacab jacayl
kama nuuxsadee
igu nudo fogaa

uu igu nastoo
nabaro igu yaal
ku noqnoqonaya
intuu igu nagyoo
sidii naas wax dhalay
ii nuugayaa

nacab aan naxayn
naafee kalgacal
naftan siduu ka dhigay

goormuu nafsigu
waan naawilee
soo noqonayaa

waa nacab jacayl
nafta tuu helaa
niyadeedu maqan
kama noogo oo
nidar ruux la galay
ku nagay warmaha
ana kama nastee
nafsi biiray iyo
nadi ha ila dhaco

naruuradii
nayruuska guga
ha i naadiyee

Exit mobile version