Heesta Naf jacaylku helay - Lyrics
naf jacaylku heloo hogaansaday
sidii hayin heeryadii u raroo
hadhkiyo uu ka saaray hoygii
oo habeenkii aan hurdaba ladin
heey adiga kuu heelanbaan ahaye
hadiyo goor adiga haybtaadan
hilinka u maraa hanfiga kulule
hadmaad ii hiilin doontaa
oo hankaygiyo laabtayda ii huri
halbowlaha dhiiga aad habin
habsiin qalbigaya habidka aheey
hamuumtu diiftu ha iga hadhee