tamaatidii jacaylkaa
i taabtoo wadaha i tagay
uu igu tilaalmooo
turqayaa naftaydii

tiiraanyadiisana
hadba waxaan la toosaa
nabar iga tan wayniyo
xanuun taabtay halistiiye

tashi igu badnaaye kow dhe
hadii aanad ii tudhin laba dhe
tabtii lalyla iyo qays taydu
kama sokaysee ha iga tagine
muunaay macaan adigu ii tali

taabtii jacaylkaa
lagu tiray naftaydoo
siduu iigu taagsaday
ma tilmaami karayee

tooyashada hakayguna
hadbuu wuxuu ku taama
oo tiigso leeyahay
inaan talo wadaagnaaye

Exit mobile version