Heesta Waris - Lyrics
maxaa waayuhu aduunku
jacay wabax igu abuuray
muxuu wadnahiyo beerka
dhamaan waaxyaha ku faafay
maxaan wadayaasha dhiiga
jeclaystay inaan wadaagno
maxaan wariseey dartaa
colaad warma la ii afaysto
wadkiyo halis la ila raadshay
hadaad wacadkii dhexdeena
xusuustii ila wadaagto
waali iyo ciil maan muteen
maxaan waaniyo tusaale
ka weecday anoo arkaaya
maxay wadar iila yaabtoo
wargaysyada la iigu qoray
maxaan dad inaan is wayno
jeclaa kala weecadkeena
maxaa dumar kale warkooda
waqtigu isu kaa rumeeyo
weedhooda naftaydu diiday