Maxaan waayaha adduunkuu
Jacayl wahan igu abuuray
Muxuu wadnaha iyo beerka
Dhammaan waaxyaha kufaafay

Maxaan wadayaasha dhiigga
Jeclaystey inaan wadaagno

Maxaan wariseey dartaa
Warama la ii afaystoo
Weddiguu halisyahay

Haddaad wacadkii dhexdeenna
Xusuustii ila wadaagtoo
Wediyo ciil baannu arkayn

Maxaan waaniyo tusaale
Ka weecday anoo arkaaya
Maxay wadarii layaabku
Wargeeysyada la iigu qoray

Maxaa dad inaan is weeyn
Jeclaa kala weecadkeena

Maxaa dumar kale warkooda
Waqtigu isu kaaya diidoo
Aan weedhooda naftaydu diiday

Haddaad wacadkii dhexdeennaa
Xusuustii ila wadaagto
Wediyi ciil baannu arkayn

Exit mobile version