VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Amaan mudnidaa - Lyrics

Waxaad matashaa qurayshtii makaad Mar kale xuural cayn la mood dheehaay Qalbigu malabeey mashquul kugu noqoy 2x Mooyiye habluhu kaa wada maseer Dhedigaa marlay kula muunad iyo Mid kusoo xigtiyo mataalkaa la waa 2x Indhihii mar qudha ku yar milicsadaa Kaa maarmi waa Dhagihii maqla weedhaada mudan Way maqsuudayaan O marwoow dartaa malaayiin hablo ah Loo mehersan waa 2x Waxaad mid tihiin Dayaxa mugdigii Iftiin ku masaxay Mar kale aragtida Misbaax nuuraay Amaan mudnidaa 2x Milga iyo aqlaaq Muuqaa qurxoon Iyo hadal macaan Mawlo kuu dhashiyo Muran igama galo Ina tahay muhiim 2x Indhii mar qudha Ku yar milicsada Kaa maarmi waa Dhagihii maqlaa Weedhaada mudan Way maqsuudayaan O marwoow dartaa Malaayiin hablo ah Loo mehersan waa 2x
Queue is empty
-- / --