VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Caadi - Lyrics

intaan kuu cadhoon lahaa cudur kuu qaadi lahaa cuqdad isku beeri lahaa colna kula noqon lahaa caadi bay iska dhigayaa intaan is ciilkaambi lahaa adi kuu cadaabmi lahaa naftaydana cidhiidhin lahaa ceeshkana kaaga gu,i lahaa caadi baan iska dhigayaa waa cibaaro halisee jacayl ceeboobe caadi bay iska dhigayaa intaan kuu caban lahaa kaligay caarifnaan lahaa cadibaad kuu gali lahaa calolyaw ku jira lahaa caadi bay iska dhigayaa intaan kuu cabudhmi lahaa dookhaaga celin lahaa cabashana ku jiri lahaa adi ku culaysin lahaa caadi bay iska dhigayaa waa cibaaro halisee jacayl ceeboobee caadibay iska dhigayaa
Queue is empty
-- / --