intaan kuu cadhoon lahaa
cudur kuu qaadi lahaa
cuqdad isku beeri lahaa
colna kula noqon lahaa
caadi bay iska dhigayaa
intaan is ciilkaambi lahaa
adi kuu cadaabmi lahaa
naftaydana cidhiidhin lahaa
ceeshkana kaaga gu,i lahaa
caadi baan iska dhigayaa
waa cibaaro halisee
jacayl ceeboobe
caadi bay iska dhigayaa

intaan kuu caban lahaa
kaligay caarifnaan lahaa
cadibaad kuu gali lahaa
calolyaw ku jira lahaa
caadi bay iska dhigayaa
intaan kuu cabudhmi lahaa
dookhaaga celin lahaa
cabashana ku jiri lahaa
adi ku culaysin lahaa
caadi bay iska dhigayaa
waa cibaaro halisee
jacayl ceeboobee
caadibay iska dhigayaa

Exit mobile version