Heesta caashaqan - Lyrics
Reerkaan dhisayniyoo
Axsigii maxaa rogay
Rasmi caashaqi galay
Xaga sare maxa suruy
Kala raare naga dhigay
Axadkii rogroga talo
Samaanteeda raadhshaa
Rugta ugu haboon dhiga
Xumo laguma raadiyee
Waa layska riixaa
Ruux ku jecel aduunyada
Ala lama rubad wareeme
Kalgacaylku waa rune
Raxmaay hayna kala ridin
Raadka sheekadeeniyo
Riixaanta caashaqa
Markaan rucubta guranaa
Qalbigaygu raystaa
Labaddii rafiiqee
Riyo been la sheegiyo
Balantuna raqiis noqon
Way is raali geliyaan
Ruux ku jecel aduunyada
Ala lama rubad wareeme
Kalgacaylku waa rune
Raxmaay hayna kala ridin