VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Cabasho - Lyrics

Aduunyadu waa cisho Cawo iyo maalmaan badnayd Cimrigu waa koobanyahay Calafkuna waa mid qura Waxaan cabiraa rajadda Cadceedu markay dhacdoo Cidahu markay hurdaan Waxaan fadhiyaa cidlada Calooshu waxbay tabtaa Naftuna ceel bay dhaxdii Canaanta ka soo dirtaa Cirkaan sare eegayaa Cidlaan wehel moodayaa Caanaan biyo moodayaa Cishaan duhur moodayaa Cadaad duruur moodayaa Cawashadu keed miyaa Ceeryaamadu roob miyaa Collaadu heshiis miyaa Caqligu wuu is diidanyahay Calooshu waxbay tabtaa Naftuna ceel bay dhaxdii Canaanta ka soo dirtaa Cirkaan sare eegayaa
Queue is empty
-- / --