Aduunyadu waa cisho
Cawo iyo maalmaan badnayd
Cimrigu waa koobanyahay
Calafkuna waa mid qura

Waxaan cabiraa rajadda
Cadceedu markay dhacdoo
Cidahu markay hurdaan
Waxaan fadhiyaa cidlada

Calooshu waxbay tabtaa
Naftuna ceel bay dhaxdii
Canaanta ka soo dirtaa
Cirkaan sare eegayaa

Cidlaan wehel moodayaa
Caanaan biyo moodayaa
Cishaan duhur moodayaa
Cadaad duruur moodayaa

Cawashadu keed miyaa
Ceeryaamadu roob miyaa
Collaadu heshiis miyaa
Caqligu wuu is diidanyahay

Calooshu waxbay tabtaa
Naftuna ceel bay dhaxdii
Canaanta ka soo dirtaa
Cirkaan sare eegayaa

Exit mobile version