cirkoo hooriyo
daruur curataay
cimilo wacaneey
cudoonka naftaay
carafta baadiyo
udgoon cuudaay
cilmi badan iyo
caynaanka xiskaay
dharaar caamiyo
caraf dhaladaay
cabirka dhararkiyo
casaan dhaladaay
cawada quruxiyo
codkiyo muuqaay
cudoon nasabiyo
dhashii curumoo
ceebla weeyoo
ciyaar ma gashee
halkay cag dhigtaa
cagaar bixisoo
anaa calmadoo
casuumay bedree
miyaan cidkale
cabaar ag dhigaa

cosob doogliyo
ubax curdinaay
cadceed casariyo
cirkoo caadlaay
garasho cimidhiyo
caqli badaneey
caynad gaariyo
cayuun xubiyee
ciiltira ruuxdiyo
farxada camiray
cisiga sharaftiyo
caqliga kaabaay
cududa beerkiyo
curuuqda jidhkaay
dawada curadkiyo
dabiib aan cugtay
ceebla weeyoo
ciyaar ma gashee
halkay cag dhigtaa
cagaar bixisoo
anaa calmadoo
casuumay bedree
miyaan cidkale
cabaar ag dhigaa
ceebla weeyoo
ciyaar ma gashee
halkay cag dhigtaa
cagaar bixisoo
anaa calmadoo
casuumay bedree
miyaan cidkale
cabaar ag dhigaa

Exit mobile version