VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhinacaaga - Lyrics

dhambaal weeye sheekadu dhambaal weeye heestuye dhismihii jacaylkeen dhidibada u aasnay ka ilaali dheeliga yuusan kaa dhicine hay jacaylkaan dhibtiisii aan ka dhawrsan waaye adna waad dhaadhamisee dheemaneey ma moogide dhinacaaga ila qabo farxiyaay ha dheeraan iisoo dhawoow dhedig adiga oo kale dhaayahaygu may arag walee ani ii dhiman dhambaal weeye sheekadu dhambaal weeye heestuye dhawr sanaan u liitaa dhibta igu kordhaysee caashaqan i dhaawacay haygu dhaafiin waa dhibe dhaxalkaygii baa tahay haween taan la dhacayee dhaayahoo ku jecelee dheel dheel ha moodine waa iga dhab caashaqa farxiyaay hayga dheeraan iisoo dhawoow dhedig adiga oo kale dhaayahaygu may arag walee aniga ii dhiman
Queue is empty
-- / --