dhambaal weeye sheekadu
dhambaal weeye heestuye
dhismihii jacaylkeen
dhidibada u aasnay
ka ilaali dheeliga
yuusan kaa dhicine hay
jacaylkaan dhibtiisii
aan ka dhawrsan waaye
adna waad dhaadhamisee
dheemaneey ma moogide
dhinacaaga ila qabo
farxiyaay ha dheeraan
iisoo dhawoow
dhedig adiga oo kale
dhaayahaygu may arag
walee ani ii dhiman

dhambaal weeye sheekadu
dhambaal weeye heestuye
dhawr sanaan u liitaa
dhibta igu kordhaysee
caashaqan i dhaawacay
haygu dhaafiin waa dhibe
dhaxalkaygii baa tahay
haween taan la dhacayee
dhaayahoo ku jecelee
dheel dheel ha moodine
waa iga dhab caashaqa
farxiyaay hayga dheeraan
iisoo dhawoow
dhedig adiga oo kale
dhaayahaygu may arag
walee aniga ii dhiman

Exit mobile version