Sida dayax iftiimo
Aan daruur lahaynoo
Dusha sare ka muuqdaa
indhahayga deeqdee

Qurux yuusuf dabadii
Muuqaal la daawadoo
Dumar ku wacneedoo
Qalbi diirisaa tahay

Aniguna daraadaa
Dabiib la ila raadshiyo
Dabeel la iga qaaciyoo
Doco iyo Qur’aan saar
Waxaan la igu dayin Ma leh

Jaceylkuna Rag iyo Dumar
Waa Dodab lawada sido
Hadaan la isla daadaheen
Daawo ma lahan Caashaqu
Dilaa waaye aan naxin
Naftu samir ka diidayee
Yaan dartaa ugalin godob

Sidaa roob da’ayoo
Durdurada xareed dhigay
Shinbiruhu dabaashaan
Doog iyo ugbaadna leh

Ubaxuna dilaacoo
Dacalada ukala dhacayee
Midabada is doorsheen
Doog ii baxaa tahay

Anna tii aan doortiyo
Xuuralcayntii dunidoo
Inoo Daaim igu simo
Ku docaysan jiroo
Dugsi Nabad galyaa tahay

Jaceylkuna Rag iyo Dumar
Waa Dodab lawada sido
Hadaan la isla daadaheen
Daawo ma lahan Caashaqu
Dilaa waaye aan naxin
Naftu samir ka diidayee
Yaan dartaa ugalin godob

Exit mobile version