adoo jano ii ahaaday
haween ku ag joojin maayo
adoo jawi caashaq doonay
marnaba ku jikaari maayo

hadaad ila jirin aduunka gacalooy
jirada ka dawoobi maayo farxiyooy
dartaa jalka quudan maayo qaaliyeey
jidiinkana raadsan maayo macaaneey

dareenku jiliin ka wayne
qofaan adi ahayn farxiya
bogayga u jeexi maayo
macaan u jadhjeedhi maayo
jacayl la wadaagi maayo

qalbigaa ii jeelanaaday anigu
jaah wareeri maayo
waxaad jamataa xal weeyi
anigu ku jujuubi maayo

hadaad dhinacayga joogto gacalooy
anigu kaa jeedsan maayo farxiyooy
dhibkana kugu daawan maayo qurux badan
jacaylkana diidi maayo qaali luula

Exit mobile version