Hadii layga kaa guursadoo
Axdigaan gorfeeniyo
Cishqigeenii gaagaxay
oo ka gacan banaaneen

Adna igooysooo
Igaraabi waydoo
Igu dhaaftay gayi maran

Inaan gayaan ka quustoo
Guumoowoo fadhiistiyo
Inaan guur maanta
Miyaanan ila gudbooneen

Haddi lurku igu godoomo
Guri kale yagleeshoo
Gayaan kale uhooyato
Ana gooni aan ahay

Farta laygu godayoo
Gaar la iga faqoo
Godob caashaq aan sidoo

Inaan gayaan ka quustoo
Guumoowoo fadhiistiyo
Inaan guur maanta
Miyaanan ila gudbooneen

Exit mobile version