Heesta Hani sharaf - Lyrics
Geenyadii haween
Gebi ugu lahayd
Guurkeeda sharaf
Gacalkii dhamaan
Way garbiyeen
2x
Gabay iyo amaan
Heesaha gudboon
Kuu kala gurnaye
Gabay waad mudnayd
Haniyeey mudnayd
2x
Gobtu waa nasabe
Gabadhii gal mududug
Ahayd sharaf gudoon
Geesi baa la yiri
Gacalkoo ku jecel
Guur looga yahay
2x
Gesigii ragee
Gar yaqaano dhalay
C/qani gobtii
Guri ceel ka yimi
U sil raad u galay
2x
Gacal iyo xigaal
Way garaacayaan
Sacab iyo gurbaan
Gaafkaaga dhacay
C/qani mudnaan
2x
Gobtu waa nasabe
Gabadhii gal mududug
Ahayd sharaf gudoon
Geesi baa la yiri
Gacalkoo ku jecel
Guur looga yahay
2x