Heesta Hortaa - Lyrics
aniga hiilkaygiiyeey
hortaa ma ahayn qof jira
hortaa ma qoon jacal
hortaa nolol maan lahya
hortaa layma haybin jirin
hortaa layma dooni jirin
hortaa haybada maan lahyan
heduunbaa igu jirtee
hortaa hebal maan ahayn
markan ku helaan anigu
hubaal dib usoo dhashee
hortaa uma haysan jirin
inaan hormar gaadhi karo
hortaa waxba maan ahayn
hanka adigaa korshoo
farxadi kaama horayn
hugiyo sharaftaydiyeey
hortaa maan hiigsan jirin
halkuu qayrkay tagoo
hortaa hadaf maan lahyan
hortaa maan haysan jirin
hadeer qiimahaan heloo
hortaa karti maan lahayn
hedayduunbaa jirtee
hortaa hebal maan ahyan