aduunyadan qiyaalkaa
qosolkiyo layaabkkaa
qurbac baa laga daday arag
qaarbaa rumaystee
ana kuma qancoo abid
qawl aan mudnayniyo
qalqalooc ma yeelee
adiguna qabwayniyo
kibirbaa ku qariboo
qardajeex ku mariyee
jacaylkaad qabyaysiyo
abaalkaygu waa qaan

waayahan qaliilkaa
qatartiyo hayaaydaa
is qabqabsiga qofki jecel
qurux kuma caweeyee
ana quursi maan baran
sida qadarinta aadmiga
quud been loo tuso
adiguna qabwayniyo
kibirbaa ku qariboo
qardajeex ku mariyee
jacaylkaad qabyaysiyo
abaalkaygu waa qaan

Exit mobile version