kaahii ii baxee kal hore
caashaqan kabadee ku raystay
kacaankii xiisahaagee
ku shaafiyee kumanaanta arag
ka yeelay kolkaa sareetoo
wadnaha kuudkii dhex yiilay
kashkiyo laabtana ku beeray
maxaa helay kaalintaadii
ma kaba hawdbuu ii geeyo
koyaan lee uu ila dhex qaadoo
kadeed miyaan dalbaday

kun baad haasaaawisaanoo
kaw miyaad kala baxdaanee
dhankayga intaan kabaayey
hadaad kala haadinaysay
kalsonidii kabteedii tuurtay
kaaf iyo kala dheeri weeyee
kor waayeel waa wada indhee
ma kala maan baa abuurmay
ma kabo hoodbuu i geeyoo
koyaanle buu ila dhex qaaday
kadeed miyaan dalbaday

Exit mobile version