hanaan qurux dhamaysan
hufnaan iyo dabac wanaagsan
hubqaad iyo argi muuqsan
dulqaad iyo garasho heersan
maxaan hibo kuu hadaysan
rabigu kuu siiyay haabsan
haweenka adaa u magacsan
hankayga adaa ku dhawrsan
xiskayguna kuu hiibaysan
midaan heleyeen hilaadsan
rabigu ii hibeeyay goorsan
ayaad ii tahay hubaalsan

habdhaqan milgiyo xishoodsan
haybti dumarkoo hagoogsan
hooyaa ku habtoo barbaarsan
hday wadataa halbeegsan
adaa hodonoo haldoorsan
adaa ii huray adeecsan
waxaynu hirgalinay hoysan
hibaynu haleelnay guulsan
xiskayguna kuu hagoogsan
midaan heleyee hilaadsan
rabiu ii hibbeeyay goorsan
ayaad ii tahay hubaalsan

Exit mobile version