Mas’aluuyin yaab lehiyo
Waa mashaakil gooni ah
Waxa maanta igu dhacay
Murugada ibaday

Ruuxay laabtu mudantoo
Muddo ay sugaayaan
Midkaleeto raacdoo
meher oo ku dhacay

Mowloo alahayoo
Muslinkaada oo idil
Adigaa umaciinee
Midigtaadi baana ahay

Muxibada kalgacalkuna
Kol Haday ku maagtaa
Kama maadeesineedee
Meel xun bay ku geesaa

Middi aan markii dhaxe
anagoo mataana ah
Jaceylka ila maashaay
Mugdi igu iloowdee

Mowloo alahayoo
Muslinkaada oo idil
Adigaa umaciinee
Midigtaadi baana ahay

Exit mobile version