jacyal taaganoo
tiir adag lahaynoo
taageero helin
yaa toosin kara
adiguna tusmooy
waxaan tabanayaa
wali maand tabin
mana taaba galin
tilmaan quruxsaneey
markii aan ku tabo
qalbi taahaybaa
telefoonka dira

taag uma hurdoo
cishqi iga tan wayn
yaa igu tarmoo
laabtayda tuban
hadaan la isku turin
tala naga dhaxayn
aduun tiigsi maleh
naftu way tagee
tilmaan quruxsaneey
markii aan ku tabo
qalbi taahaybaa
telefoonka dira

Exit mobile version