Shamisay adaa shidaa
Shanta gees aduunyada
Sharafleeyda dumarkana
Adaa lagu shabahayeee

Been sheegi maayee
Shiddada jaceylkana
Iga shaafisoo
Sheedeeda taagnoo

Markii reeruhu shiraan
Sheenlayda wada keenaa
Shaaciyaan gabdhahu
Amaantaada sheegaan

Shamisay adaa qurux
lagu sheegoo Daa’uus
Rabi kugu shubayoo
Xariir kugu shakaalee

Shanfarool hadalkiyo
Shuxshux aan dhamaano
Lamaanaha laka shiriyo
Shabaq yeenakala galin

Markii reeruhu shiraan
Sheenlayda wada keenaa
Shaaciyaan gabdhahu
Amaantaada sheegaan

Exit mobile version