VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Walaac - Lyrics

adoo laxash ii wadaan wadnaha kugu siii haya adoo walwal ila rabaan wacnaan ana kuu sidaa markaad cadaw ii wadhaan nacabka kaa waabiyaa adoo waran ii sitaan anigu wehel kaa dayaa adoon i wanaajinayn ayaad igu wayntahoo hadaad is leedahay waxyeel walaac kuma badi karee wadbaan nolol moodayaa walaac kuma badi karee wadbuu nolol moodayaa markaad sun walaaqdidbaa waheey subag kuu dhigaa adoo wajigay gubaa waliba dhiig kuu shubaa markaad bohol ii wadaa dixaha kaa weeciyaa adoo igu wacad furaan xumaha kaa waaniyaa adoon i wanaajinayn ayaad igu wayntahoo hadaad is leedahay waxyeel walaac kuma badi karee wadbaan nolol moodayaa walaac kuma badi karee wadbuu nolol moodayaa
Queue is empty
-- / --