Heesta Xamda - Lyrics
waxaad tahay ruux kalsooni
karaamo jacayl qudhayda
hankayga intuu ku kaabay
kasbaday maankiyo xiskayga
naftaad kobcisaa kal deeqa
koonkan waxa nool aduunka
qofkaan ka doortay dumarka
xamdaay kugu raacay haybad
hamiga laabtiyo kashayda
adaa ku xawilay dareenka
qalbiga kaydiya xasuusta
adaa kaligaa xoraysatay
kal iyo laab kuu nadiifa
ayaa kalgacayl ku oole
waxaad tahay ruux kaskayga
kurbiyo ka ilaashay dhaawac
intuu kobciyuu baxnaanshay
kasbaday maankiyo xiskayga
naftaad korisaa han deeqa
farxada kaftankiyo wanaaga
rabaa sharaf kuu hibeeyay
markaan ku helaan kifaaxay