VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xidigta Qarniga - Lyrics

Xidigdii Qarnigan iyo Quruxdii Aduunkaay Qorax soo baxaysiyo ubax oo qoslaayaay Rabi too u qormeeyee Sharaf lagu qotomiyaay qaararkeeda waaxyaha qalad laga ilaalshaay Haduu qaadir kaa dhigay Humar taan ka qaayibay Qofna kulama simayee Sidaan kuu qadariyo u qiimee kalgacalkan Qaboowgii janada iyo qooyskii fardowsaay Qooraansiga iyo dhugashada laabtu teey ku qanacdaay Ii qaas aheeydee Hanaan loo qorsheeyaay Indha qabatinkoodii Naftu ku ashqaraartaay Haduu qaadir kaa dhigay Humar taan ka qaayibay Qofna kulama simayee Sidaan kuu qadariyo u qiimee kalgacalkan Lyrics by : Sharmake
Queue is empty
-- / --