VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Af ku xoogle - Lyrics

Intaad qaraxa xooraysid Maatada xasuuqaysid Xaafado walaalo Intaad kala xudubinaysid Ana kaa xishoon maayo Maryahayga xidhan maayo Guur kuugu xilan maayo Xidid iima noqonaysid Afku xoogle dib u jeedso Adoo xeradii waydaara Xushmad reerkii kaa waayay Xaaskaagi ooyayso Dumar kale xisaabtooda Hadba kala xulxulidooda Heblaayaa xadraynaysa Xaluskeediibaa muuqda Xubnahana badhbaa qaawan Keeshalibay soo xidhatay Waydinkan ku xiiqee Xaawalayda maryahooda Horta miyaad la xidhataan Dumarkan xaquuqdooda Xaqoodiina doonaaya Miidhiyaha xariiftamaya Kaftankoodu kaa xidhane Xaqa dumarku leeyahay Sida loo xanaaneeyo Xeerkaan ku barayaaye Casharada usoo xaadir Afku xoogle dib u joogso
Queue is empty
-- / --