Dadkaygaan lahadlaayaaa
Maraykanku waa dalwayn
Duulaan laga helin majiro
Hadana waa dawlad qudhaa
Danguudbaa wada kulmisoo
Cashuurta dadkaa usiman
Sharcigaa lagu kalaa danbayn
Dudsiin xaqa majiro
Dastuurka maraykankiyo
Donald dalka kaama xigo
Adigu ha udabacsanaan
Hadag dagine dalkaaga jog
Dalkaygu markuu burburay
Halkii dib udajintiyo
Dagaan qoys aan ka helay
Dalkaana ka mid ahaa
Donald trump hanoo darnaan
Dadkaaygaa ha ku digan waarhoy
Dibnaha xumaha ha uga furin
Hadalkii damqayana ha ku odhan
Dastuurka maraykankiyo
Donald dalka kaama xigo
Adigu ha udabacsanaan
Hadagdagine dalkaagaa jog

Exit mobile version