Heesta Farmaajow - Lyrics
masuul qayb qaybteda diida
dhamaan qoyskana mideeya
dhalinta tahriib u quurin
ayaa rabi noo qadaraye
ilaa waagii qabtii
qaxii iyo barakacii
rubuc qarni kabadan
qarankaan raadin jiray
maantuu qalin iigu dhacay
adaan qarax maalin dhigin
dibada qarashaad ka helin
shisheye u qoob xidhnayn
khiyaano ka dhawrsanoo
qabiilka aan tix galinee
farmaajoow hogaanka hay
marbaan qaranjira ahayn
quwada loo galin ahaynoo
afrika qaybaheeda dhaamee
qadarin ay noo hayeenoo
libaaxnimo ay noo qireen
dagaal qudha layska jaro
waatii qarankii uu ku jabay
qaxooi naga dhigoo
qiimihii soomaaliyeed
aduunkuba quudhsadee
adaan qarax maalin dhigin
dibada qarashaad ka helin
shisheeye u qool xidhnayn
khiyaano ka dhawrsanoo
qabiilkana aan tixgalinee
farmaajaw hogaanka hay
ruuxii qasdigiisu yahay
xilkan qaboo oo ka dharag
khayraadkaasina badh qaado
qorshaha meel kuma lahayno
shacabkaa qiray midaa
maqaawiirtii dalkuna
lacagtii maanta qube
qarankay u hiiliyeen
cidkoodii kuma qaldamin
hogaan qaran bay xusheen
adaan qarax maalin dhigin
dibada qarash ka helin
shisheeye u qoob xidhnayn
qiyaano ka dhawrsanoo
qabiinkana aan tix galinee
farmaajoow hogaanka hay