VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Social media - Lyrics

Sooyishaal miidhiyuhu waar hoy sidaa maaha qarankana sumee maaha kala sooc dadkana maaha madaxdii la soo doorto eedeyn u saar maaha waar hooy sidaa maaha . sidaad doontid yeel maaha fanaaniinta cay maaha heesahooda soo qaado si xun wax uga sheeg maaha. dumarkeena Soomaaliyeed ceebtooda soo raadi sawiradiyo fiidiyowga ruux kale ka soo qaado markiib ku cay maaha weriyaha socdaalkaa he shacakiisu sugayaaan si uu warar u gaadhsiiyo qoraalada u soo saaro sii kala fasiro maaha xumaantana u saar maaha waar hooy sidaa maaha ruux bukoo sariir saaran sawirkiisa soo qaado dadka sadaqo ka uruuri hadhowtana ha siin maaha dumarkeena Soomaaliyeed ceebtooda soo raadi sawiradiyo fiidiyowga ruux kale ka soo qaado markiib ku cay maaha
Queue is empty
-- / --